Dhageyso:-Taliska CXD oo beeniyay in la bililiqeestay xarunta Dugsiga tababarka ee General Gordan

Ka dib warar been Abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta ka howlgasha magaalada muqdisho oo ay ku sheegeen in ciidamo ka tirsan xoogga dalka soomaaliya ay bililiqeesteen xarunta tababarka general gordan ayaa waxa arintaasi ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Taliyaha Hogaanka siyaadsada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka ay baahiyeen Idaacadaha muqdisho isla markaasine uu maanta xerada uu booqday abaandullaha ciidanka xoogga dalka

G/sare Cabdi xamiid sheikh cali xaydar waxa uu dhanka kale beeniyay in ciidamada xoogga dalka uu iska hor imaad uu ku dhax maray gudaha xerada waxa uuna xusay in macalimiinta tabarayaasha iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay hada ku sugan yihiin gudaha xerada general gordan

Taliyaha hogaanka siyaada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka waxa uu tilmaamay in sharciga ay la tiigsan doonaan warbaahinta Baahisay warkaasi been ah

Xarunta dugsiga tababarka ee general gordan ayaa ka mid ah goobaha lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media