Dhageyso:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in la burburiyey Gaadiid Qaraxyo waday kuna soo wajahnaa Muqdisho

Shalay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Cadaan ah waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegano ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay kula wareegeen deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo deegaano kale oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku burburiyeen laba Gaari oo qaraxyo ku rarnaa kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo wajahnayeen Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in y Gacanta ku dhigeen hubka noocyadiisa kala duwan sida Qoryaha Basuukaha iyo Agabyo kale loo adeegsado qarxyada,kuwaas oo qaarkood la gubay si aysan dadka u waxyeeleyn sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen Baraha ay Internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegeen in ay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduule Caanood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media