Wararka Radio dalsan Maanta ka helayo degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka jiro dhaq dahqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda eek u sugan degmadaas
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaasi, howlgalkaan ayaa daba socda weerar ay shalay dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen degmadaasi, gaar ahaan fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda.
Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan(Cali Waal) ayaa u sheegay Radio Dalsan in weerarkaas kaga yimid Al-Shabaab ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan,isla markaana ay saakay wadaan howllo baari taano ah.
Ciidamada dowladda ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ujeedka hawlgalkooda uu yahay baadigoobka xubno Shabaab ka tirsan oo la tuhmaayo inay joogaan Degmada Qoryooley iyo tuulooyin hoostaga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.