Dhageyso:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo beeniyay in ay ku lug leeyihiin xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug

Cabdullaahi Iimaan Ceynte Afhayeenka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada dowladda eek u sugan Gobolka Galgaduud aysan ku lug laheyn xiisada Siyaasadeed ee ka dhex jirta Madaxda Galmudug.

Isaga oo ka jawaabayay eedeyn kaga timid Axmed Ducaale Geelle Xaaf taas oo ku saabsaneyd in Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybta 21,aad ee ku sugan Gobolka Galgaduud ay qeyb ka yihiin xiisada ka jirta Cadaado.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay yihiin Ciidanka Qaran balse aysan aheyn kuwa qabiil loona baahan yahay in madaxda Galmudug ay ixtiraamaan.

Xaaf Madaxweynaha Galmudug balse Xildhibaanada qaar ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen ayaa dhowr mar ku celceliyay in Ciidamadaan ay faragelin ku hayaan arrimaha Siyaasadeed ee Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media