Dhageyso:-Taliska Ciidanka xooga dalka oo sheegay in ay dagaal ku dileyn Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Qoryooley.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay koomtoroolka degmada Qoryooley kadib markii dagaalyano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen koontroolka ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan.

Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan(Cali Waal) oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa sheegay in ay khasaaro Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkaas oo socday mudo ku dhow hal saac.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab ka dileyn Afar ruux oo uu ku jiro Abaandulihii hoggaaminayey Ciidamadii Al-Shabaab ee soo weeraray kaas oo uu Magaciisa ku sheegay Shabeellow sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu been abuur ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegay in qeybo ka mid ah degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay dagaalkaas kula wareegeen Al-Shabaab,hayeeshee uu sheegay in deegaanadii ay ka soo weerar tageen ay ku wajaahn yihiin.

Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo saarin sheegashada Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose dilka abaan duule ka tirsnaa Ciidamada Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan(Cali Waal).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor