Dhageyso:-Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Maxamed Axmed Jimcaale Geedi cirfiid’taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay heli doonaan xaquuqdooda xataa hadii ay jiraan Caruurtii ay ka tageen Ciidamadii ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay dalka.

Waxa uu sheegay in Sharciga xaquuqsiinta Ciidamada uu soo maray Golaha Wasiirada isla markaana uu rajeynayo in Baarlamaanka la horgeeyo si ay u ansixiyaan.

Dhanka kale isaga oo sii hadlayay taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in macnabadan aysan sameyneyn in Ciidamada xoogga dalka ay iska fadhiyaan balse loo baahan yahay in ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa taliyaha Ciidamada xoogga dalka waxa uu sheegay xili shalay uu booqday Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolk shabeellaha hoose.

Hoos Ka dhageyso Codka taliya Ciidanka xoogga dalka