Dhageyso:-Taliska Ciidamada Taraafikada Puntland oo faah faahiyay weerar lagu qaaday mid ka mid ah Xarumahooda

Taliyaha Guud ee Ciidanka Taraafikada Maamulka Puntland Maxamed faniin Yuusuf  ayaa faafaahin waxa uu Warbaahinta ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerar Bambaano oo xalay fiidkii lagu qaaday Xarunta Taraafikada ee ku taala Magaalada  Boosaaso.

Taliyaha Taraafikada Puntladd ayaa sheegay in ay dhaawacmeen Saddex  Askari halka midkale uu geeriyooday kuwaas oo dhamaantood ahaa Askartii ilaalada ka aheyd Xarunta Ciidamada Taraafikada ee Magaalada Boosaaso.

Taliyayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan dadkii ka dambeeyay weerarka lagu soo qaaday xarunta taraafikada,isla markaana baritaanadaas wixii kas oo baxa ay Warbahinta u soo gudbin doonaan.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha laamaha ammaanka puntland  in ay xoojin doonaan howlgalada ay ku baadi goobayaan kooxaha weerarada gaadmada ah ka fuliya xarumaha ciidamada iyo masuuliyiinta iyaga oo shacabka ka dalbaday in ay gacan ka siiyaan helista xogaha  kooxaha falalka amnidaro ka geysta deegaanada Maamulkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Taraafikada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media