Dhageyso:-Taliska Booliska Afgooye oo qabtay dadkii ka dambeeyay  Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

Saddex ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas la dhaceen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraayay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Gaarigaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay meel Isbaaro ay taalay, laakiin horay aanan loogu ogeyn, iyadoo wadihii gaariga uu qaatay go’aan ah inuusanba istaagin.

Cabdirisaaq Aadan Cali taliyaha Saldhiga Booliiska Afgooye oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen laba rag ah kuwaas oo ay ay uga shakisan yihiin ay ka dambeeyeen rasaasta lagu furay Gaariga.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

 

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliya Saldhiga Afgooye

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media