Dhageyso:-Taliska Booliiska Jowhar oo adkeeyay amniga Magaaladaas

Iyada oo la filayo in Maalinta Sabtida ah ee soo socota kuna beegan 16 Bisha  September ay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ayaa ammaanka aad loo adkeeyay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Cali Siyaad oo shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen in ay kaalintooda ka qaataan amniga.

Waxa uu sheegay in hadii ay yihiin ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay  dowladda u wakiilatay in ay sigaar ah u xaqiijiyaan amniga Musharixiinta iyo howlka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Ugu dambeyn wax auu ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Jowhar in ay Ciidamada kala Shaqeeyan dhanka amniga.

Sikastaba Magaalada Jowhar ayaa ahatan waxaa laga dareemaya qabaan qaabada doorashada oo Maalmo kaliya ay inaga xigaan, waxaana Jowhar lagu arkaaya Siyaasiyiin iyo dad kale oo olole u wada musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media