Dhageyso:-Taliska AMISOM oo ku baxay xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxda Galmudug

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxa Gelinkii dambe ee Maanta gaaray Xubno ka socda Midwoga Afrika ee AMISOM oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada AMISOM Gen, Subagle iyo Sarakiil kale.

Cadaado ayaa Maalmahaan waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Madaxda Galmudug taas oo isku bedeshay xilka qaadis iyo diidmo.

Gen, Cismaan Nuur Subagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la kulmeen labada Garab ee xiisadu ay ka dhaxeyso isla markaana ay isfargarteen

Waxa uu sheegay in  sababta ay Cadaado u tageen ay tahay in ay dejiyaan xiisadaas inta badana ay ku guuleesteen.

Ugu dmbeyn waxa uu sheegay in iyagu ay amartay Xukuumadda Soomaliya ayna xqiijin doonaan amniga Magaalada si aysan xabad u dhicin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gen, Subagle

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media