Dhageyso:-Tacadiyada Amisom Ciidamadooda ay geestaan waxay Qeyb ka tahay in ay karaahsadeen  Joogitaankooda Soomaaliya”Col Salaad Axmed Ceynte

Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa mar walba sameeya tacadiyo iyo xadgudub ka dhan ah dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah iyaga oo si bareer ah ugu geestay dil dhawac iyo jiirsiinta Gawaaridooda xiliyada ay marayaan Wadooyinka Muqdisho.

Dhacadadii ugu dambeeysay ayaa waxaa shalay gawaari ay wateen Ciidamada Amisom waxa ay si bareer ah u jiirsiiyeen Mootada labada lug leh ee loo yaqano dhugdhugleyda Sadax Ruux kuwaas oo laba ka mid ah ay geeriyoodeen xili ay marayeen halka oo yaqaano Quraca Dhimbil ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Hadaba maxaa soo cel celiya tacadiyada Ciidamada Amisom ay mar walba u geestaan Shacabka Soomaaliyeed iyo cida masuulka ah waxana ka sheekeynaya Col,Salaad Axmed Ceynte Taliskii Sare ee Hoggaanka Sirdoonka Meleteriga Soomaaliya xiligii dowladdii Kacaanka hadana ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

“Runtii tacadiyada soo lab laabtay ee Ciidamada Amisom,waxaan u arkaa in ay sabab u tahay laba arimood oo kala ah in Madaxdooda aysan kala hadlin in hadii uu waxyeelo u geesto shacabk ll xisabtmi doonin iyo  ay karaahsadeen joogitaanka Soomaaliya ama loo sheegay in dalka laga qaadaayo oo ay jeclaayeen in ay sii joogaan ayuu yiri Korneelka.

Sidoo kale korneelka oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada mar walba ay Shacabka u geestaan ciidamada Amisom ey jawaabteeda leeyihiin madaxda ugu sareysa dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media