Dhageyso:-Taabit Cabdi Maxamed oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Xil-gudasho Qaran

Munaasabad abaalmarin lagu guduunsiinayay Madaxdii loo arkay in sida wanaagsan u gudatay xilkii loo dhiibay uguna adeegtay Bulshada ayaa xalay lagu qabtay Magaalada muqdisho,iyada oo abaalmarin loogu magacdaray Xil-gudasho Qaran halkaasi lagu bixiyay.

Daraasad laga sameeyay Magaalooyinka Caasimadaha u ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo waxqabadka madaxdooda taas oo soo bilaabatay Bishii 0ctoober ee Sanadkii tegay 2017  ayaa ugu dambeyn xalay waxaa Abaalmarin Xil-gudasho Qaran ah lagu  gudoon siiyay Gudoomyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Daraasadaan ayaa waxaa aragtiyo lagu weeydiinayay badi Shacabka Soomaaliyeed cida ay u arkaan in sidii loogu talo galay ay u guteen wajibaadkii qaran ee loo dhiibay ee masuuliyadeed Waxaana abaalmarintaas bixinayay Machadka horumariya arrimaha hoggaaminta  ee Vision Leadership Academy.

Daraasadaan dadweynaha la weydiinayay ayaa waxaa gundhig u ahaa 8 qodob oo kala ahaa.

1:- Shaqo-abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha

2:- Dib-u-heshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada

3:- Wacyi-gelinta iyo Abaabulka Bulshada

4:- Horumarinta Adeegga bulshada

5:- Dhiirrigelinta wax-soo-saarka Gudaha

6:- Xoojinta Kaalinta Haweenka

  7:- Dhinaca Samafalka

  Iyo u doodida Xaquuqda Dadweynaha.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ugu dambeyn bogaadiyay Magaca loo xushay abaalmarintaan oo ah Xil-gudasho Qaran,waxa uuna sheegay in ay dhiiragelin u tahay dadka adeegayaasha u ah Bulshadooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taabit Cabdi Maxamed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media