Dhageyso:-Soomaaliya oo beenisay in laga saaray tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Maalmihii la soo dhaafay waxa soo baxayay Warar sheegayay in Xidhiirka Kubadda Cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA uu Soomaaliya ka saaray dalalka ka qeyb-galaya koobka Qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee sanadkan ka dhacaya dalka Kenya.

Tartankaan ayaa waxaa la qaban doonaa 17 Bisha soo socota ee December,Soomaaliya ayaana been abuur ku tilmaamtay wararkka sheegaya in tartankaas laga reebay.

Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka CECAFA ahna guddoomiyaha tartanka CECAFA ee bisha soo socota ka dhici doona Nairobi  Cabdiqani Siciid Carab ayaa beeniyay in Soomaaliya laga saaray Tartankaasi  waxa uuna yiri.

“Ma  jirto cid ka saari kartaa Soomaaliya tartankaas laakiin waan la socdaa in Baraha Bulshada  lagu faafiyay,runtii waa wax lala yaabo waxana idiin sheegayaa in Soomaaliya ay Xubin muhiim ah ka tahay Bariga iyo Bartamaha Afrika Xeer ahaana ma jirto cid shaacin karta in Soomaaliya laga saarayo cidii wax kale ka qabtaa hanala soo xiriirto   ayuu yiri.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Qani Siciid Carab.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media