Dhageyso:-Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 200 Milyan Dollar+Sawirro

Kadib markii ay Maanta Muqdisho ay soo gaareen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Qatar ayaa Saacado kadib waxa ay heshiis dhinaca horumarinta ah la saxiixdeen dowladda Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa ka kooban, kobcinta Dhaqaalaha, Dhismaha Wadooyinka, iyo Waxbarashada sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Mashaariicdan oo dhamaantood ah kuwo lagu hormarinayo dalka ay ku kici doonto lacag dhan 200 oo Milyan oo Dollar.

Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar,Khaliifa Bin Jaasim,oo heshiiskaan dowladda Qatar Wakiil uga aha ayaa isna sheegay in ay dhisi doonaan Wadada u dhaxeeysa Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90km iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye iyo Dhismaha Hay’addaha Waxbarashada iyo Shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Wadamada Carbeed ee taageerada siiya Soomaaliya,waxaana dhawaan ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotay khilaafka Wadamada Khaliijka oo sabababay in xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jaraan Dowladda Qatar.

Hoos Ka Dhageyso Codka Kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media