Dhageyso:-Soomaaliland oo uga digtay Shacabkeeda in ay yimaadaan Muqdisho

War uu soo saaray  Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay ku sheegeen in ay  Shacabkooda uga digayaan  in ay u socdaalaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Xuseen Axmed Cige (Deyr) oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho aysan aheyn mid ammaan ah,islamarkaana lagu dilo dadka ka soo jeeda deegaanadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga doonayo Shacabka Soomaaliland ay aysan ku degdegin in ay tagaan Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ee ah in aysan ammaan aheyn Magalada Muqdisho weli wax jawaab ah kama bixin dowladda Federaalka Soomaaliya.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeen madaxtooyada Soomaaliland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media