Dhageyso:-Soomaaliland oo soo bandhigtay Dad iibsanayay kaararka Codbixinta

Taliska Guud ee Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta Magaalada Haregysa ku soo bandhigay Saddex eedeysane oo la sheegay in lagu soo qabtay kaarar ay dadka uga aruursanayeen sifo aan sharci aheyn.

Dadkaan la qabtay oo ka kooban Saddex Haween ah oo uu wehliyo hal Nin ayaa dadka kaararka waxa ay uga bedelanayeen Raashin.

Kaararkaan iyo Dadkii watay ee la soo bandhigay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 60 Kaar,waxana la sheegay in dadka la qabtay ay yihiin Gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye laameedyo in kastoo Saraakiisha Booliiska Somaaliland ay ka gaabsadeen.

Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle taliye ku xigeenka Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in arrintaani ay dhibaato ku tahay amniga iyo deegaanshaha Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee taliye ku xigeenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media