Dhageyso:-Soomaaliland oo sheegtay in dagaalkii Maanta Maxaabiis kaga qabsadeen Puntland

Kadib dagaal socday in ka badan Shan Saacadood oo Maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa Maamulka Soomaaliland waxa ay shaaciyeen in ay qabteyn Maxaabiis.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland Generaal Nuux Ismaaciil Taani, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saakay ee deegaanka Tukaraq ay weerar ku soo qaadeen fariisimahooda Ciidamada Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in uu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray balse ay gacanta ku dhigeyn Maxaabiis ka tirsan Ciidamada Puntland oo dagaalka ku jira,isla markaana Gaadiid ay la wareegeen.

Taliye Taani ayaa sidoo kale sheegay in deegaano ay horay u joogeen Ciidamada Puntland ay la wareegeen.

Masuuliyiinta Maamulada Puntland ayaa marka laga reebo guulaha ay kala sheeganayaan weli mashaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media