Dhageyso:-Soomaaliland oo Maanta Go’aan ka gaareysa khilaafka u dhaxeya Guddoonka Golaha Wakiilada

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland in ay kulan ku yeeshaan kaas oo ay uga hadli doonaan khilaafka ku aadan doorshadii Guddoonka sare ee Golha Wakiilada Maamulkaas.

Xubno ama laba Guddi ka kala socda labada dhinac ee isku heesta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Cabdiraxmaan Tanyanle iyo Baashe Maxamed Faarax,in ay keenan cadeymo ku aadan cida sida rasmiga ah ugu guuleysatay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland.

Dhanka kale 30 ka mid ah  Xubnaha Golaha Wakiilada oo Warbaahinta la hadlayay ayaa waxa ay sheegeen in ay iyagu siiyeen codkooda Cabiraxmaan Maxamed Tanyanle.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media