Dhageyso:-Soomaaliland oo Maamulka Khaatuma kala wareegtay 200 oo Askari+Sawirro

Degmada Balicad ee Gobolka  Cayn waxaa lagu wareejiyey 200 oo Askari kuwaasi oo ahaa Ciidanka Khaatumo balse xiligan wixii ka dambeeya ka mid noqon doona Ciidamada Maamulka Soomaalilnd.

Munasabad Ciidanka lagu Wareejinayey Waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Khaatumo Keyse Cabdi Yusuf Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji Cali iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiin kale oo Katirsan Maamulka Khaatumo Taliyihii Ciidanka Lagu Wareejinayey Aaga Widhwidh Gaanshale Sare C/llaahi Dheere Saraakiil  ka tirsan Ciidanka Iyo Waxgaradka Deganakaasi Balicad ayaa dhammaan soo dhaweeyay tallaabadan lagu wareejiyay Ciidamada.

Wasiirka Amniga Khaatumo Keyse Cabdi Yusuf  ayaa Ciidanka Wareejiyey Isagoona sheegay In y ka mid tahay Qadobadii ay ku Heshiiyeen Soomaliland iyo Khaatuma ugu dambeyna uu noqday mid fula.

Hoos Ka Dhageyso Codka Kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media