Dhageyso:-Soomaaliland oo lagu eedeeyay taageerada Al-Shabaab

Maamulka puntland ayaa Maamulka Soomaaliland waxa ay ku eedeeyeen in ay taageero weyn siiyaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee mararka qaar weerarada ka geestaa Magaalooyin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka puntland Cabdi Axmed Caashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarada mararka qar Al-Shabaab ay ka geestaan Puntland gaar ahaan Buuraha Calmadoow ay u fududeeyaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab ka soo talaabaan dahnka Magaalada Ceeri-Gaabo,islamarkaana dhaawacyadooda ay halkaasi la aadaaan sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliland weli jawaab cad kama bixin hadalka ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Maamul goboleedka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media