Dhageyso:-Soomaaliland oo ka laabatay Go’aan ay horay u gaartay

Maalin ka hor Wasaarada Waxbarashada Maamulka Soomaaliland waxa ay ammar ku bixisay in ilaa 7 Iskuul oo ku yaalo Magaalada Hargeysa Al-Baabada la iskugu dhufto balse Go’aankaas ay Wasaaradu ka laabatay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Ibraahim oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Maamulayasha Iskuuladaas ayaa waxa uu sheegay in xayiraadii laga qaaday Iskuuladaas.

Waxa uu sheegay in Wasaaradu ay wadi doonto kormeerada kala duwan oo ay ku sameyneyso Macaahidda wax lagu barto ee ku yaalo Magaalada Hargeysa Soomaliland.

Sikastaba hadalka ka soo baxay Wasaarada waxbarashada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulyaasha Iskuulada ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Qoraa Cabduqaadir

Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirk Waxbarashada Soomaliland.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media