Dhageyso:-Soomaaliland oo ka jwaabtay hadalkii Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka

Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa noqday mid siyaabo usku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire   ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uusan jirin warka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash,isla markaana aysan jirin cid saddexaad oo heshiiskii dekada Berbera ka qeyb gashay.

Hadalkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa noqday mid ay si iskumid ah uga wada hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliya oo isku khilaafsan heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Magalada Berbera.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Sacada Cali Shire .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media