Dhageyso:-Soomaaliland oo ka jawaabtay Sababta ay u xayireen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa

Maamulka Soomaliland ayaa ka jawaabay sababtii ay Ciidamada Laanta Socdaalka Maamulka Soomaaliland Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ugu  diideen in uu ka dhoofo Soomaliland,isagoo  watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse diiriya ayaa sheegay in Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa uu kamid yahay Muwaadiniinta Reer Soomaaliland balse lagu arkay Baasaboor Soomaali ah kaas oo u doonayay in uu kaga dhoofo Magaalada Hargeysa taasna aysan aqbaleyn.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Soomaaliland uu yahay dal Soomaaliya inteeda kale ka go’ay islamarkaana aanan lagu arki Karin cid wadata Baasaboorka Soomaaliya.

Sikastaba Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xiliga la xayiraayay waxa uu watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya  isagoo ku sii jeeday dalka Kenya Balse  Ciidamada Soomaaliland ay diideen in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Hargeysa..

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media