Dhageyso:-Soomaaliland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Sanaag

Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay dagaal geestay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac kaas oo u dhaxeeyey labada Maleeshiyo Beeleed oo deegaanka lagu dagaalamay ku wada nool.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 6 Qof  halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen dhamaantood oo ahaa Maleeshiyaadkii wada dagaalamay,waxaana si kulul uga hadlay Maamulka Soomaaliland.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga Maamulka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Saxaaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay haatan wadaan dadaalo lagu xalinaayo dagaaladaas kuwaas oo ah kuwo soo laab laabtay.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland aysan aqbaleyn in la wada dagaalamo islamarkaana cid alaala cidii Nabada ka soo horjeesato ay talaabo ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media