Dhageyso:-Soomaaliland oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xaaf

Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaf ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay ku xayirtay Groonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Wasaarada Duulista Hawada Maamulka Soomaaliland Cumar Zeyd oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Warkas uu yahay mid aan wax ka jirin.

“Anaga dowladda Soomliland ayaan nahay Soomaliyana waa Soomaliya marka hawadena iyo Garoomadeena anaga ayaa maamulna ee dowladda Federaalka ma maamusho amarkeedana halkaan kama socdo warka uu sheegay xaafna waa mid aan waxba ka jrin ayuu yiri Agaasimaha”

Sidoo kale waxa uu sheegay in horay Diyaarad sisharcidaro ah ay ku soo gashay Hawada Soomaalilnd taas oo markii koowaad ka degtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa isla markaana aan digniin u dirtay iyada oo ugu dambeyn lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa kadib wadahadal dhexmaray Shirkadii laheyd diyaaradaas dib loo fasaxay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media