Dhageyso:-Soomaaliland oo Gobolka Sanaag ka Musaafurisay Nin u dhashay dalka Britain

Maamulka Gobolka Sanaag ayaa War uu soo saaray waxa uu ku sheegay in deegaanada kala duwan ee Gobolkaas laga musaafuriyay nin u dhashay dalka Ingiriiska kaas oo ay ka dacwoodeen qaar ka mid ah Shirkadaha ka howlgalla Gobolkaas.

Arrintan ayaa timid kadib kulan dhexmaray Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer iyo Maamulka gobolka Sanaag kaas oo lagu go’aamiyay in Guud ahaan gobolkaas laga musaafuriyo Arten Steven oo ah Muwaadin u dhashay dalka Britain.

Ninkan u dhashay dalka Britain ayaa waxa uu ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’addo ka Shaqeeya Arrimaha Bay’ada, waxa ayna guddiga Nabadgelyada Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceeri Gaabo ku eedeeyeen in uu fasax la’aan soo galay Gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fale ayaa ku dhawaaqaya Go’aamada ay Gobolka Sanaag uga mamnuuceen Ninkaas Ajnabiga ah.

Hoos Ka Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Sanaag

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media