Dhageyso:-Maamulka Soomaaliland oo Go’aan ka soo saaray Kaniisad laga dhisay Hargeysa

Maamulka Soomaaliland ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan Kaniisada laga furay Magaalada Hargeysa taas oo Saacadihii la soo dhaafay ay noqotay hadalheynta Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Caalamka.

Wasiirka diinta iyo Aawqaafta Maamulka Soomaaliland Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Warka sheegaya in Kaniisad laga dhisay Magaalada Hargeysa ay tahay mid been abuur ah oo dad qaas ah ay soo abaabuleen.

Waxa uu sheegay in Kaniisadaas ay tahay mid horay u dhisneed islamarkaana dayactir lagu sameeyay balse Soomaaliland aysan marnaba ogolaan doonin in Kaniisad Cusub laga dhiso Hargeysa.

Waxa uu shegay in Haweeneyda dib u furtay mudo 30 Sano ah kadib ay u qoreen Warqad Digniin ah oo ku aadan wixii waxyeelo ku ah Diinteena Suuban.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media