Dhageyso:-Soomaaliland iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

Maalma ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Cusub ee maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu tago dalka Jabuuti halkaas oo uu wadahadalo kula yeeshay madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Muuse Biixi oo ay wadaagaan Xaduud,isla markaana ay iska kaashaadaan arrimo ay ka mid yihiin amniga.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliland Dr Sacad Cali shire ayaa sheegay in labada madaxweyne ay kulan wada qaateen iyaga oo ku heshiiyay qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada madaxweyne ay ku balameen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya si ay iskaga kaashaadaan waxyaabo badan oo sahli kara amniga Gobolka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan safarkiisii ugu horeeyay waxa uu ku tegay dalka Jabuuti oo ka mid ah wadamada taageera Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wsiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Dr Sacad Cali Shire.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media