Dhageyso:-Soomaalida ku nool Mareykanka oo Gurmad u sameynaya dadkii ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday gurmad ballaaran oo ay uga qeyb qaadanayaan gar gaarka dadkii ku wax yeeloobay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bishan oct 2017

Dr,Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah Sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ku nool Wadankaasi isla markaana xubin ka ah gudiyada abaabulkaasi wada oo u waramayay barnaamijka GURMAD BULSHO ee ka baxa idaacada dalsan maalmaha murugada Soomaaliya ee todobaadkan ayaa sheegay in gudigooda oo isku abaabulay magaalo magaalo ama degaan degaan ay bilaabeen dhaqaale uruurin

Gurmadkooda waxaa uu sheegay in ey ku hagaajin doonaan maamulka gobalka banaadir oo ah uu hoos tago degaanka musiibadu ka dhacday isagoo si gaar ah ugu amaanay gudoomiyaha maamulka gobalka banaadir Taabid Cabdi Maxamad dadaalka dheeraadka ah ee masuuliyadu ku jirto  ee uu ka muujiyay gurmadkii khasaarihii shacabkiisa ka soo gaaray qaraxii dhacay

Halkan ka dhageyso Wareysigaaas oo dhameystiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media