Dhageyso:-Soomaali lagu laayay dalka Itoobiya

Wararka naga soo gaaraayo deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow. Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda, ayaa tirade dadka dhintey ku sheegay 14 qof.

Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkan uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerkii askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta dadka lagu laayey ayaa sharaxaya qaabka ay deegaankas wx uga dahceen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qof ka mid ah dadka deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media