Dhageyso: Somaliland:- Lama Furin Kaniisad Cusub Ee Waa Mid Horay Udhisneed Oo Sharciyeesan.

Wasiirka wasaaradda Aw qaafta Iyo Diinta Somalilad Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aysan jirin kiniisad cusub oo loo Laga Furay Hargeysa balse ay jirtao in kiinsadii hore u jiri jirtay in loo fasaxay inay ku cibaadaystaan dadka aaminsan diinta Kiristaanka ee Ku Sugan Magaalada Hargeysa .

Wasiirku waxa uu Intaasi Ku daray in dastuurka iyo shareecadda islaamku diidanayn in dadka ehlu kitaabka ah inay dalka yimaadaan oo ka shaqaystaan,isla markaana ay ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen.

“Maamulka Somaliland wuxa Uu leeyahay dastuur, dastuurkeeni wuxa uu leeyahay ma ogola in diin aan ahayn tan islaamka in lagu faafiyo iyo in dadka Somaliland diintoodda bedelaan, shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland kama soo horjeeddo dadka ehlu kitaabka ahi inay deegaanadeena yimaadaan, oo ay ka shaqaystaan ama sifo sharci ah ku joogaan,mana diidayso inay dadkani ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen ee dhisnaa illaa xiligii ingiriiska toddobaatan sanno ka hor.”

“waxa Uu Wasiirku cadaynayaa in aanay jirin kiniisad cusub oo Hargeysa laga dhisay sida lagu faafiyey baraha bulshadda oo sawiro aan xaqiiqda ka turjumaynin oo been abuur ah lagu faafiyey , lama ogola in kiniisad cusub laga dhiso gayiga Somaliland Ayuu Yiri Wasiirka”.

Si kastaba ha ahaatee, hadal haynta kiiniisadan sodan sanno ka dib dib laga furay magaaladda Hargeysa ayaa noqotay arrimaha lagaga doodo goobaha la iskugu yimaado iyo baraha bulshadda isticmaasha taas oo lagu dhaliilayey Maamulka Somaliland inay ogolaato in dib loo furo kiniisad jiri jiray iyo mid cusub toonna.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media