Dhageyso:- Somalia oo xil Sare ka raadineysa Urur Goboleedka IGAD

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawed oo Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay  dowladda Soomaaliya in ay dadaal sare ugu jirto sidii ay urur gobaleedka IGAD ugu heli laheyd xilka xoghayaha fulinta ee IGAD.

Waxa uu sheegay wasiirku madaxweyne Farmaajo in uu kala hadlay madaxda Ururka miduwga Afrika sidii ay somaaliya ay u qaban laheyd xilkaas oo ay raadinayaan dowlado badan.

Axmed Ciise Cawed oo ah wasiirka umuuraha dibadda ee Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay ka go’an tahay Somalia sidii ay u heli laheyd xilka xoghayaha fulinta ee Urur gobaleedka IGAD.

Jagadaan ayaa waxaa u taagan Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Dibada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media