Dhageyso:-Somalia oo ku guuleysatay Qeyb ka mid ah Qorshihii looga cafin lahaa Deymaha lagu leeyahay

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Talaadadii maanta faah faahin ka bixiyay Shir Magaalada Nairobi ku dhexmaray Hey’ada Lacag Aduunka,Bankiga Aduunka iyo Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Federalka Waxaana uu sheegay in Shirkaas ay ka soo baxday Natiijo Guul u ah Somalia,taa oo la xiriirta tijaabo Hey’ada Lacagta Aduunka ku sameeyay Hanaanka Daah-furnaanta ee Maamul Wanaaga Dowladeed iyo Midka Maaliyadeed iyo Maamulida Qarashka la ururiyo.

Geedi socodka Hanaankaa oo ay Hey’ada Lacagta aduunka ku qiimeeneysay Hanaanka Daah-furnaan ee Dowlad Wanaaga iyo Maaliyada ayaa soo bilaawday Bishii 5-aad ee Sanadkan waxaana qorshahaas uu ku egyahay Bisha 5-aad ee Sanadka soo aadan.

Wasiir Beyle ayaa Suxufiyiinta u sheegay in Somalia ay guul ka keentay Tijaabadaasi oo qeyb ka ah Qorshaha deymaha looga Cafinayo Somalia.

Waxaan sidoo kale kulanka Dhexmaray Hey’ada Lacagta iyo Bankiga Aduunka Wasaarada Maaliyadda ay ku dalbatay Heshiis Cusub oo la xiriira in Somalia lacaga loo furo si lacag usoo gasho,dalkana ay maalgaliyaan,waxaana Heshiiskaa Cusub ka qeyb ah in ay Somalia ka fuliyaan Dhismaha Wadooyinka iyo Iskuulada.

Halkan ka Dhageyso Wasiirka Maaliyada Craxmaan Ducaale Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media