Dhageyso:-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle”Tallaabadii labaad oo aan ugu guuleysan laheyn Kenya ayaa la qaaday”

Shalay oo Isniin ah ayaa Wakiilo ka socda Dowladda Soomaaliya waxa ay jawaabta dacwada dhanka muranka badda ah ee Kenya kala dhaxeeysa waxa ay u gudbiyeen Maxkamada Cadaalada Aduunka ee dalka Holand.

Dad badan ayaa rajo wanagsan ka muujiyey in dacwadaas ay Soomaaliya ku guuleysan doonto,waxana ka mid ah Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Siyaasiga oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa sheegay in xilligii hore ay taagneyd doodaas mala geli karaa balse laga soo gudbiyey,isla markaana tallaabadii labaad la qaaday raja weyna laga qabo in lagu guuleysto.

“runtii waa tallaabo wanagsan oo horay loo qaaday,rajada shacabkana waa ay wanaagsan tahay waxaan ka war dhowreynaa natiijada maxkamada ay soo saarto waayo soomaaliya xaqeeda ayay u doodeysaa balse marabto dhul ay Kenya leedahay ayuu yiri Siyaasiga.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in xilligaan aan la qabin shaki ah in dowladaha qaar iyo Maxkamaduba ay la saftaan dowladda Kenya soomaaliyana ay soo martay Wadadii saxda aheyd oo aan qalad ka imaan doonin ugana guuleysan doono kenya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor