Dhageyso:-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur”Wuu dhamaaday xiligii qoriga dadka loogu hanjabi jiray dacwad ayaana gudbinayaa”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur  ayaa Maanta la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir isl markaana isla maanta ay fasaxday Maxkamada Gobolka kadib markii ay sheegtay in wax dembi ah lagu waayay.

Siyaasiga ayaa ka hadlay qaabkii loo maray  siideyntiisa iyo waliba dadkii ka Shaqeeyay in uu cadaalad helo.

Waxa uu marka hore u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay xalinta in lasiidaayo iyo in Maanta uu xurriyadiisa uu dib u helo,sidoo kale waxa uu sheegay in isaga ay jiraan cid gaar ah oo iga been abuuratay.

Waxa uu sheegay in hadda laga gudbay dacwadii loo heystay lana geli doono  in uu isaga dacwad ka gudbiyo dadkii ka dambeeyay in la weeraro isla markaana istaafkiisa la laayo.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xiligaan laga gudbay waqtigii qoraga wax lagu handadi jiray,isagoona ku baaqay in talaabo laga qaado dadkii ka dambeeyay weerarkaas iyo xarigiisa.

 Hoos Ka Dhageyso codka Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur   

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media