Dhageyso:-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur”Dowladdo Shisheeye & Dowladda ayaa ii adeegsan raba Al-Shabaab si la ii dilo”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa shaaciyay in amnigiisa uu u baqayo kadib markii uu ka warhelay xogo sheegay in uu weerar kale ku soo wajahan yahay.

Isaga oo wareysi siinayay Tv-ga Universal Xaruntiisa Muqdisho ayuu sheegay in uu ogaaday in la soo weerari doono isaga oo loo adeegsanayo Al-Shabaab taasina ay ku lug leeyihiin Dowladdo Shisheeye.

“Runtii Cabsida aan qabo waxa ay tahay in aan ka warhelay in la iisoo adeegsan rabo Kooxda Al-Shabaab ayna ku lug leeyihiin dowladdo Shisheeye oo aan dooneyn in Magacooda aan sheego iyo dowladda intaba ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu shaki ka qabo in dowladdo Shisheeye ay weerar ku soo yihiin iyaga oo soo maraya ama u soo adeegsanaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale Siyaasiga ayaa waxa uu ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka aamusay dhibaatoyin ka jira dalka iyo waxkasta oo madaxda qaarkood ay ku dhaqaaqeen isaga oo talo u soo jeediyay.

“Madaxweynaha waa uu dayacay shaqadiisa waxa una ka dhuuntay caqabado iyo dhibaatooyin ka jira dalka waxaana u sheegayaa in uu dadka Soomaaliyeed Madaxweynuhu uu runta u sheegay uusan ka dhuuman masuuliyadii uu qaaday ayuu yiri Siyaasiga”

Tan iyo wixii ka dambeeyay 17 Bishii December ee Sanadkii tegay 2017 markii la weeraray xili habeen ah hoygiisa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxa uu dowladda ku eedeynayay in aan tallaabo sharci ah laga qaadin Saraakiishii  ka dambeeyay weerarkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media