Dhageyso:-Sidee Muqdisho looga xusay Munaasabada 26-ka June? (Warbixin)

58-sano guuradii kasoo wareegatay Gobanimadii Gobolada Waqooyi ayaa loo dabaal-degay,26-juun 1960 ayaa noqotay taariikh lama ilaawaan ah oo waa Markii ugu horeysay oo Calanka laga taago meel kamid ah Gayiga Somalida, neecaawda xornimadaadaas ayaana dib loo milicsaday.

Aqalka Dowlada Hoose ee Fiisha Guveyrno ayaa lagu maamuusay Maalinta Xoriyada Gobolada Waqooyi maanta oo kale ayey ka xuroobeyn Gumeystihii Ingiriiska,Madaxweynaha Dalka Madaxmed C/llaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Xasan, Cali Kheyre Xubno ka tirsan labada golle ee Dowlada dad waaya joog u soo ahaa halka gobadnimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay Munaasabadaasi.

Muuqaal muujinaya halkankii loo soo maray Xornimada ayaana madashaa lagu soo bandhigay kaa oo muujinayay xiligaa usoo ifay dadka Somalida.

Hadaba Munaasabad lagu qabtay Aqalka dowaldda Hoose ee Muqdisho lagu qabtay waxaa Warbixin ka diyaariyey Saleemaan Xaaji Axmed Raage.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor