Dhageyso:-Sidee ayay u arkaan waxgaradka Cadaado in ay noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug?

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf ayaa siwadjir ah shalay usoo afjaray xiisad Siyaasadeed oo ka jirtay Magalada Cadaado kadib markii waxgaradka ku nool Cadaado ay qaadaceen heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ee Jabuuti balse la xaliyay.

Waxgaradka Cadaado ayaana ku qancay warkii ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo,waxa ayna sheegen in ay la Shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug oo haatan dib u bilaabanaya dhismihiisa maadama uu u guurayo Xarunta rasmiga ah ee Dhuusamareeb halka Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha Golaha samatabixinta iyo badbaadada Galmudug Cusmaan Maxamed Cali ayaa Dalsan u sheegay in dhameynta khilafkaan kadib la doonayo in waxyaabihii ay balan qaadeen madaxda Galmudug iyo madaxda dowladda.

Waxa uu sheegay in madaxda deeganada Galmudug wakiilka uga ah dowladda ay sigaar ah masuuliyada u saaran tahay sidii loo fulin lahaa mashaariic kala duwaan oo laga fulinayo deegaanada Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Golaha samatabixinta iyo badbaadada Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media