Dhageyso:-Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo War-Murtiyeed laga soo saaray+Sawirro

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shirka Golaha Amniga Qaranka kaas oo mudo ku dhow Todbaad ka socday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho loogana hadlayay arrimo ku saabsan amniga dalka..

Shirka ayaa waxaa Maalintii Arbacada aheyd ee la soo dhaafay furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxana ka qeyb galayay dhamaan madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ra’iisul Wasaare kheyre iyo taliyayaasha Ciidamada iyo sidoo kale qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Shirkan ayaa daba socday shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida uu horey u sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed.

Shirka oo qaatay Waqti dheer ayaa ugu dambeen Waxaa Maanta shir Gudoomiyay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyada oo isla Maanta la soo gaba gabeeyay lagana soo saaray War-Murtiyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaah oo War-Murtiyeedka ka soo baxay shirka Warbaahinta u Akhriyay ayaa sheegay in Qodobadii ka soo baxay shirka ay ka mid ahaayeen  in Goluhu ay qorshaha dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya dib loogu celiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ugu mihiimsanaa Qodobada Shirka in siwadjir ah looga wada qeyb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab taasina ay muhiim u tahay dalka oo dhan.

Hoos Ka Dhageyso War-Murtiyeedka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media