Dhageyso:-Shirkii dhexdhexaadinta Beelihii ku dagaalamay Cadale oo ka furmay Jowhar

Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmay shir lagu dhamestirayo hehsiis hordhac ah oo horay looga gaaray deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Waxgarad ka kala socda labadii dhinac eek u wada dagaalamay degmada Cadale,waxana garwadeen ka ah Masuuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada degmada Cadale Xuseen Muxudiin Cabdala oo kalanka goobjoog ka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in inta uu shirkaas socdo lafilayo in looga hadlo sidii Beelahaas loo kala dhexdhigi lahaa Nabad buuxda si ay degenaasho ugu wada noolaadaan,islamarkaana shirka ay waqti badan gelinayaan Masuuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle.

Waxa uu sheegay in haatan Goobihii lagu dagaalamay ay joogaan ciidamada Mamulka hir-Shabeelle si uusan markale dagaal uga dhexdhicin Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Shirka ayaa haatan sitoos ah uga socda Magaalada jowhar,waxana wadahadalaya dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Burhdeer ee degmada Cadale,kadib heshiis hordhac ah oo ay horay u wada gaareen.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media