Dhageyso:-Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo markii ugu horeysay Maanta ka furmaya Kismaayo

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta  KMG,ka ah ee Maamulka Jubbaland uu markii ugu horeysay ka furmo shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir gudoomin doona ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre,iyada oo Golaha Wasiirada Soomaaliya intooda badan ay ku sugan yihiin Magaalada Kisamayo kaidb markii ay shalay halkaasi gaareen.

Amaanka Magaalada kismaayo ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxana lagu soo waramaaya in Maanta sidii hore ay ka duwan tahay Magaalada Kismaayo islamarkaana Wadooyinka Waaweyn ee Magaaladaas lagu arkayo ciidamada Jubbland oo amniga siweyn u xaqiijinaya.

Xarumaha Maamulka iyo Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la suray Sawiradda madaxda Qaranka sida Madaxweyne Maxamed Cabullaahi Farmaajo,iyo ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgeli doona Madaxweynaha Martida loo yahay ee Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)

Shacabka Soomaaliyeed intooda badan ayaa aad usoo dhaweeyay talaaabdan iyaga oo ku tilmamay in ay tahay waxyaabaha ay dowladdaan kaga duwan tahay dowladdihii dalka soo maray.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Waraabhinta faah faahin kasiiyay Kulanka golaha Wasiirada ee Maanta Kisamayo ka furmaya

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media