Dhageyso:- Shirar looga soo horjeedo Cali Khaliif oo ka socda Magaalada Buuhoodle

Shirar Siyaasaded oo kala Gooni gooni ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay ka dhacayeen Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Shirarkaas ayaa waxaa looga soo horjeedaa Siyaasada Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Kahliif Galeyr oo dhawaan heshiis la galay maamulka Soomaaliland islamarkaana uu ku biiray.

Odayaasha iyo waxgaradka Gobolada Sool Sanaag oo Shirar kala gooni gooni ah ku qabtay Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegeen in Cali Khaliif uusan matalin dadka ku nool deegaanadaas islamarkaana ay ka soo horjeedaan go’aanka uu qaatay.

Sidoo kale waxgaradkaas ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan ay qabsan doonaan kulamo kale kaas oo ay uga hadlayaan sidii ay u doran la haayeen hoggaan kale sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media