Dhageyso:-Shir u dhaxeeyay Wasaarada Dastuurka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay  shir u dhaxeeyay Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Masuuliyiinteeda  iyo Msuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa loogu magacdaray Ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xXoosh Jibriil iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka ay tahay masuuliyad weyn oo u baahan in la qaado.

Waxa uu uga mahadceliyay Wadatashiyada uu wasiir xoosh kala yeelanayo Bulshda dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka maamul goboleedyada dalka ka jira waxa uuna ku booriyay in uu dadaalkaas siiwado.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu dardargelinayo dib u eegista Dastuurka Soomaliya dhawaana la horgeyn doono labad gole ee dowladda

Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayasn sidii looga gudbi lahaa Dastuurka Soomaaliya oo qabyo ah,muhiimna ay tahay in Soomaaliland ay qeyb ka noqoto.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Masuuliyiinta

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media