Dhageyso:-Sheekh Shaakir”Inta aan la gaarin 2020 ayaan deegaanada Galmudug ka saareynaa Shabaab”

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Amniga ee ka socday dhusamareeb lagu soo qaaday xorreynta deegaanada Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in deegaanada Galmudug intooda ugu badan ay yihiin kuwo Amni ah laakin deeganada yar oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin,isla markaana Shacabka looga baahan yahay taageero siiyaan Ciidamada si looga saaro.

Waxa uu sheegay in uu ku dhiiragelinayo Ciidamada Galmudug in ay ilaaliyaan Amniga Shacabka Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaxa Xukuumadda Galmudug wax auu ka jeediyay shirka Amniga Galmudug oo Maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media