Dhageyso:-Shariif Xasan Shacabka Koonfur Galbeed Guri kor ka qunfulan ayay ku jiraan waana ka qaadeynaa”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada Maamulkiisa ay qabaan dhibaatooyin kala duwan isla markaana ay ku jiraan Guri kor ka qufulan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya dowladda iyo AMISOM ay qorsheynayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin deegaanada Maamulkaas.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ee ku shiray Kismaayo ay isla garteen in siwadajir ah ay ula dagaalamaan Al-Shabaab si looga gudbo dhibaatooyinka ay ku hayaan Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xasan ayaa hadalkaan sheegay xili Shalay uu dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo kadib markii Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose uu uga qeyb galay shirkii madaxda dowlad Goboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Shariif Xasan 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media