Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xsan Sheekh Aadan ayaa marka hore sheegay in Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas aysan heysan xaquuq rasmi ah sidaas daraadeedna uu rajeynayo in dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Caalamka ay soo taakuleeyaan.
Waxa uu sigaar ah u sheegay in ciidamo laga qori doono degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose si ay uga qeyb qaataan hwolaha sugida amniga Gobolkaas.
Shariifka oo hadalkiisa siwata ayaa sheegay in ay Maamulka koonfur Galbeed ka Go’an tahay in Shabaab laga saaro deegaanada Maamulkaas uu kaga sugan yihiin isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay u diyaarsan yihiin.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uu sheegay xili shalay uu maalmo kadib dib ugu labtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.