Dhageyso:-Shariif Xasan oo ka digay in AMISOM ka baxaan Soomaaliya

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigaan aan la joogin xiligii Ciidamada AMISOM ay ka bixi lahaayeen dalka.

Waxa uu sheegay in weli dalka uu burbursan yahay Wadooyinka qaar ay xiran yihiin,sidaas darteedna aan wanaagsaneyn in AMISOM ay dalka ka baxdo.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan weli awood u laheyn in meelaha qaar ay difaacaan sababo la xiriira in aysan heysan hubkii loogu talo galay in ay ku dagaalamaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ayaa Shariif xasan waxa uu ka sheegay shirka Amniga Qaranka oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maanta ka furay Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media