Dhageyso:-Shariif Xasan oo baaq u diray Madaxda dowladda Soomaaliya

Kadib Magacaabistii Xubnihiisa Golihiisa Wasiirada Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya Shariif Xasan sheikh Aadan ayaa waxa uu baaq u diray Madaxda dowladda Federaalka soomaaliya iyo Shacabka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu rajeynayo in ay isbedel muuqada oo weyn in ay la yimaadaan Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ee uu magacaabay,ayna u Shaqeyn doonaan sidii loogu talo galay.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guud ahaan Shacabka ku nool deegaanada Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxa uu ugu baaqay in ay taageeraan islamarkaana ay garab istaagaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media