Dhageyso:-Shaqadeyda ugu horeysa Puntland ayaan ka bilaabayaa”Wasiir Xoosh”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil oo shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka nugaal ayaa faah faahiyay qorshada socalkiisa iyo waliba howlaha Shaqo e Wasaaarda Dastuurka Soomaaliya ay ka bilaabeyso deegaaanda Maamulka Puntland.

Wasiir Xoosh,ayaa sheegay in sababaha uu u tagay Magaaalda Garoowe ay tahay sidii aan wada tashiyo ula sameyn lahaa dadka reer Puntland ee wax ka bedelka Dastuurka dalka oo haatan ah mid qabyo ah.

Waxa uu sheegay in ka wasaarada ahaan ay Shaqada ugu horeeysa ee arimaha Dastuurka ay u doorteen in ay Puntland ka bibaabaan maadaama ay tahay hooyada Maamula Goboleedyada dalka ka jira sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Xoosh ayaa Maalmaha soo socda sii joogo doona deegaanada Puntland isagoo madaxda iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan kala tashan doona wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya oo hada ah mid qabyaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media