Dhageyso:-Shacabka Soomaaliyeed oo la sheegay in badankood ay yihiin kuwo dalka ka cararay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid juxa ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed intooda badan ay yihiin barakacayaal iyo waliba sidoo kale dad qaxooti ku noqday dalka dibaddiisa.

Waxa uu sheegay in tira ku dhow Saddex Milyan oo Qof oo Soomaaliyeed ay yihiin barakac iyo qaxooti intaba isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan in ay wax u qabato,

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay nasiibdaro tahay in daka Soomaaliyeed ay u qeybsamaan Barac iyo qaxtoo loona baahan yahay in si deg deg ah wax loogu qabto.

Hadalkaan ayaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu ka sheegay xili shalay uu ka qeyb galayay kulan looga hadlayay xal u helida dadka soomaaliyeed ee qaxootiga iyo barakacaha ah kaas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media